Kalluunka

Kalluunku waxa uu ka mid yahay xayawaanka ku jira badda kuwooda loogu manaafacaadsiga badan yahay.

Kalluunka noocyadiisa waxaa ka mid ah tarraaqad, tebadiin, summaan, gaxash, libaax badeed. Noolayaasha kale ee ku jira badda waxaa ka mid ah neberiga, qubada, diin-badeedka, iwm.

Tarraaqad

Kalluunka loo yaqaan Tarraaqadda waxa uu ka mid yahay noocyada kalluunka loogu adeegsiga badan yahay. waxaana noocan kalluunka ah loo adeegsadaa ganacsiga inta hilibkiisa la qasaceedyo la iib geeyo.

tarraaqada waxaa lagu xisaabiyaa kalluunka ugu dheereeya marka laga hadlayo xawliga. Baaritaano la sameeyey waxaa lagu ogaadey in xawaraha uu ku qordo kalluunka Tarraaqadu uu yahay in ka badan 70 km saacadiiba. akhri Qormada Tarraaqadda.

Libaax

Kalluunka loo yaqaan Libaax Baddeed waxa uu ka mid yahay noocyada kalluunka kuwa khatarsan.

Libax badeedka siyaabaha loo ga manaafacaado waxaa ka mid ah: Hilibkiisa iyo maqaarkiisa iyo mararka qaarkood oo ilkihiisa loo adeegsado farshaxan. Akhri Qormada Libaaxa.

Kor

Ku Laabo Bogga Koowaad