Xoolaha nool ee la dhaqdo waxaa ka mid ah geela, lo'da iyo ariga. Geelu waxa uu ka mid yahay xoolaha loogu manaafacaadsiga badan yahay waayo mar waa gaadiid la rarto, marna waa isha dhaqaalaha oo hilibkiisa iyo caanihiisa iyo haragiisa ayaa la manaafacaadsadaa.
Xoolaha nool ee loogu manaafacaadsiga badan yahay waxaa ka mid ah: Geela, Ariga iyo Lo'da.
Geelu waxa uu ka mid yahay xayawaanka ugu faa'iidada badan ee bini'aamku dhaqdo. Manaafacaadka geela waxaa ka mid ah in la rarto ama lagu safar galo. Waxa kale oo la maanaafacaadsadaa geela hilibkiisa, caanihiisa iyo maqaarkiisa oo jarco laga samaysto.
Ariga oo isugu jira Riyo iyo Ido waxa ay ka mid yihiin xoolaha ay bulshooyin badan ku tiirsan yihiin marka la eego dhaqaalahooda iyo nolol maalmeedkooda. Ariga waxaa la manaafacaadsadaa caanihiisa, dhogortiisa, maqaarkiisa iyo digadiisa.
Lo'du in kasta oo ay u baahan tahay xannaayn dheeraad ah, sida in ay hesho biyo joogto ah maalin kasta, hadana waxay bini'aadamka u leedahay manaafacaad badan, sida caanaha oo la cabo, maqaarkeeda oo laga samayto aalado badan sida kabaha iyo boorsooyinka, geeseheeda oo loo adeegsado qurxin, iyo digadeeda oo lagu dhisto guryaha ama laga shito cayayaanka.